Allbanaadir.com
NEWS

Qalab qofka beenta sheegaya lagu garto oo lagu xirayo Saraakiil Kenyan ah 

Dalka Kenya waxaa hada ka taagan fadeexad weyn oo ka dhalatay lacago malaayiin Dollar ah oo la musuq maasuqay , waxaana lacagahan musuq maasuqay saraakiil iyo Madax katirsan dowlada Kenya.

Lacag $78 milyan oo doolar oo ay lahayd laanta horumarinta dhalinyarada ee Kenya ayaa la musuq maasuqay ,waxaana Maxkamad lasoo taagayaa xubno loo heesto in lacagtaasi ay xadeen.

Saraakiil loo heesto Musuq maasuqan oo Maxkamad lasoo taagayo ayaa la qorsheenayaa in lagu xiro Qalabka kala caddeenaya in qofka been sheegayo iyo in kale , waxaana qalabkan loo yaqaanaa Polygraph .

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa sheegay in qalabkan beenta ka hortagaya lagu xirayo saraakiisha loo heesto in ay xadeen lacag Malaayiin Dollar ah si looga hortago in ay been sheegaan.

Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in dhammaan madaxda ka shaqeysa laamaha muhiimka ah ee dowladda ay mari doonaan imtixaam cusub, islamarkaasna la baari doono xogtooda si looga hortago in xatooyo la sameeyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada oo shaqada u fasaxday labo Hay’adood oo horey shaqada uga joojisay

Cabdi Cade

Shuruudaha laga rabo Shirkadaha diyaaradaha ee u tartamaya u adeegga Xujeyda oo lasoo bandhigay

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay Doorashada Jubbaland iyo xaalka oo sidii hore ka badalan

admin
Taboola Ads ---