Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidamada dowlada oo saaka xiray jidadka Muqdisho qaarkood (Sababta)

Jidadka muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho intooda badan ayaa saaka xiran ka dib markii la dhigay ciidamo ka tirsan kuwa amaanka DF.

Ciidamada ayaa gaadiidka shacabka noocyadiisa kala duwan ka joojiyey jidadka inkastoo ay tahay maalin Jimce ah oo dhaqdhaqaaqu dadku kooban yahay, maadaama laga nasanayo howlihii todobaadka.

Dadka badankood ayaa cagahooda maalaya maadaama aysan jirin gaadiidkii BL-ka iyo kuwii bajaajta ee magaalada u kala gooshi jiray.

Lama oga sababta loo xiray jidadka balse waxaa loo malaynayaa iney la xiriirto Munaasabada aaska qaran ee loo samaynayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed oo ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.

Guddigii qabanqaabada aaska ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay shaaciyay in maanta oo Jimce ah Meydka marxuumka  laga soo dajin doona Muqdisho, laguna aasi doono ka dib marka lagu tukado Janaasada, iyadoo aaska ay ka qeyb geli doonaan madaxda sare ee DF iyo qeybaha bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax ka dhacay agagaarka Isgoyska Zoobe iyo faahfaahino ka soo baxaya (Sawirro)

Caydiid Ali

Weerar seef loo adeegsaday oo ka dhacay London iyo ninkii ka dambeeyay oo la qabtay

Cabdi Cade

Qarax Khasaaro geestay lagu weeraray Ciidamo ku sugnaa Isgooska Bakaaraha

Cabdi Cade