Allbanaadir.com
NEWS

Rag badan oo Al Shabaab u qaabilsanaa Aasida Miinooyinka oo la qabtay (Sawirro)

Ciidamo katirsan milatareiga Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ayaa howlgal ay ka sameeyeen deegaano katirsan gobolka Shabeelaha Hoose waxa ay kusoo qabteen rag la sheegay in Al Shabaab katirsan yihiin.

Ciidamada ayaana howlgalkii ugu dambeeyay ka fuliyay tuulooyinka kala ah, maguurto, Gumarrey, Kaxarrow, Doonka weynow, Doonyarow, Cadeyley, Lafagaale, waxa ayna ciidamada howlgalkaasi kusoo qabteen rag badan oo la tuhmayo.

Taliyaha Hoggaaminayey ciidamada howlgalka fuliyay oo la hadlay Warbaahinta dowlada  ayaa sheegay in howlgalka lagu qabtay 18 xubnood oo katirsan Al Shabaab, kuwaas uu sheegay in ay qaalbilsanaayeen miino gelinta waddada u dhaxeysa Tixsiile iyo Afgooye.

Ciidamada ayaana intii uu howlgalka socday si gaar ah u beegsanayay dhalinyarada kunool tuulooyinka ay tageen iyagoona si gaar ah u wareesanayay dhalinyarada looga shakiyay in Al Shabaab katirsan yihiin kuwaa oo qaarkood horey usii wateen.

Al Shabaab ayaana miinooyin badan ku aasa wadooyinka kuyaala gobolka Shabeelaha Hoose, waxa ayna miinooyinkaasi si gaar ah ula beegsadaan gaadiidka ay watraan ciidanka dowlada ee halkaasi mara.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir Maaliyada Soomaaliya oo Muqdisho kula kulmay Bella Bird (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Puntland oo xabsiga ku celisay siyaasi caan ah oo dhowaan la sii daayey

Caydiid Ali

Ciidamada RSF oo dagaal kula wreegay saldhig weyn oo kuyaallay magaalada El Daein

Cabdi Cade
Taboola Ads ---