Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dal kuyaala Afrika oo hal sano gudihiisa ay ka geeriyoodeen Labo Ra’isul Wasaare

Dalka Ivory Coast, ayaa hal sano gudihiisa waayay labo ra’isul Wasaare oo muhiim u ahaa kadib markii ay u geeriyoodeen xanuuno lasoo darsay, waxaana sanad gudihiisa la magacaabayaa Ra’isul Wasaarihii sadexaad uu dalkaasi yeesho.

Ra’iisal wasaarihii dalka Ivory Coast, Hamed Bakayoko, ayaa shalay ku geeriyooday dalka Jarmalka isaga oo 56-sano jir ah, waxaana Bakayoko la shaaciyay in uu u geeriyooday cudurka kansarka oo mudo hayay.

Hamed Bakayoko ayaa xilka Ra’isul Wasaaraha dalka Ivory Coasy loo magacaabay bishii July ee sanadkii hore, kadib markii geeri deg deg ah ay ku timid Ra’isul Wasaarihii hore ee dalkaasi Amadou Gon Coulibaly.

Madaxweynaha dalka Ivory Coast, Alassane Ouattara, ayaa sheegay in uu aad uga naxay geerida Ra’isul Wasaare Bakoyoko , waxa uuna tilmaamay in uu ahaa nin halyey ah oo wax badan dalka usoo qabtay.

Siyaasigan geeriyooday ayaa hada isku hayay xilka Ra’isul Wasaaraha iyo Wasiirka difaaca dalka Ivory Cost, waxa uu sidoo kale sanado badan ahaa Wasiirada isgaarsiinta iyo arimaha gudaha dalkaasi, isagoona kaalin muuqata ka qaatay xasiloonida iyo horumarka dalkaasi.

Dalka Ivory Coast ayaana hal sano gudihiisa yeelanaya Ra’isul Wasaarihii sadexaad, waxaana hada xilka Ra’isul Wasaaraha si KMG ah loogu magacaabay Patrick Achi , halka nin la dhashay Madaxweynaha dalkaasi laga dhigay Wasiirka Difaaca.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo Cafis u fidisay Odayaal Xildhibaano kusoo doortay Cadaado (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan oo booqday xerada ay ku jiraan Ciidankii Eritrea laga keenay (Sawirro)

Cabdi Cade

Suuqyada Muqdisho oo laga dareemayo ciriiri badan iyo sababta ka dambeysa

admin
Taboola Ads ---