Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi ka shaqeeya aaska Qaran ee loo sameynayo Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Marxuum Cali Mahdi Maxamed oo galabta ku geeriyooday dalka Kenya.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa magacaabay guddigan oo ka kooban Xukuumadda , Xildhibaanno, qeybaha bulshada iyo qoyska marxuumka, waxayna kala yihiin;
- Xasan Xundubeey Jimcaale, Guddoomiye
- Cismaan Abokar Dubbe, Guddoomiye ku-xigeen
- Cumar Maxamuud Maxamed (Filish), Xubin
- Janaraal Mukhtaar Xuseen Afrax, Xubin
- Xasan Xuseen Xaaji, Xubin
- Eng. Cabdullaahi Abuuakar Xaaji (Carab), Xubin
- Durraan Axmed Faarax, Xubin
- Cumar Cali Rooble, Xubin
- Xil. Cabdullaahi Maxamed Nuur, Xubin
- Xil. Maxamed Axmed Abtitoon, Xubin
- Cabdulqaadir Xaaji Xasan (Gureey), Xubin
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa faray guddigan in ay si degdeg ah u guda galaan aaska Madaxweynihii hore Cali Mahdi