Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Farmaajo oo War ka soo saaray Geerida Cali Mahdi iyo Calanka oo hoos loo dhigay

Madaxweynaha xiligiisu dhamaaday ee Somalia Cali Mahdi Maxamed ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Madaxweynihii hore ee Somalia Cali Mahdi Maxamed oo caawa ku xijaabtay isbitaal ku yaalla Nairobi

Madaxweyne Farmaajo oo qoraal soo dhigay barta facebook ee Madaxtooyada Somalia ayaa hadalkiisa ku bilaabay:-

Innaa lillaahi wa innaa ileyhi Raajicuun.

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee  Madaxweynihii hore ee dalka Marxuum Cali Mahdi Maxamed oo ku geeriyooday dalka Kenya.

Waa geeri xanuun badan oo si weyn ay u wada dareemeen shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Alle ha u naxariisto Madaxweyne Cali Mahdi, waxa uu door weyn ka soo qaatay dowladnimada dalka. Waxaan ku xasuusanaynaa sida ay uga go’nayd in dib loo sooceliyo dowladnimada Soomaaliyeed oo uu dadaal muuqda ku bixiyey.

Waxaan muddo saddex cisho ah hoos u dhigaynaa Calanka Jamhuuriyadda si aan u muujinno murugada geeridan ku timid Madaxweynihii hore ee dalka, iyadoo la magacaabayo guddi ka shaqeeya Aas-Qaran oo loo sameeyo Marxuumka, si loo maamuuso dadaalkii uu ku bixiyey dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Alle waxaan u weydiinayaa Marxuumka in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan Dowladda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

-DHAMMAAD-

HOOS KA DAAWO HADALKA FARMAAJO

Related posts

(Daawo Sawirro) Maxkamad dil toogasho ah ku fulisay Lamaane aroos ahaa

Caydiid Ali

War cusub oo ka soo kordhay Ciidankii dhowaan la wareegay anmiga Xarunta Baarlamanka Somalia

Caydiid Ali

Dil loo geysatay Xildhibaan Baarlamaan & dabley ka dambeysay oo la baadi goobayo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---