Allbanaadir.com
NEWS

Raisul Wasaare Rooble oo ka hadlay geeridii ku timid Madaxweynihii hore ee dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Qoyska, Ehelada, Asxaabta iyo Guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey geeridii naxdinta leh ee ku timid Allaha u naxariistee madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Cali Mahdi Maxamed oo maanta geeriyooday.

“Waxaan geerida Madaxweynihii hore uga tacsiyeynayaa qoyskii uu ka baxay, asxaabtiisii iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed”.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Alle uga baryay in uu Jannadiisa Firdows ka waraabiyo, ehelkiisii iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeedna uu Samir iyo iimaan ka siiyo.

Allaha u naxariistee Marxuum Cali Mahdi Maxamed ayaa ahaa madaxweynihii 4aad ee Jamhuuriyadda, waxa uu siyaasadda ku jiray muddo dheer, isagoo sidoo kalena ahaa ganacsade iyo oday Soomaaliyeed oo kaalin weyn ka soo qaatay dib u heshiisiinta iyo isu soo dhaweynta shacabka Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dhul iyo Dadba Xaaluf baa Inagu Dhacay: Abaaraha Fanka iyo Deegaanka oo is Helay.

admin

Shaki laga Muujiyay Heshiis dhawaan kala saxiixdeen Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya

admin

War cusub oo ka soo kordhay gantaalka Shiinaha ee la filayo inuu ku soo dhaco dhulka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---