Madaxweynihii hore ee Somalia Cali Mahdi Maxamed ayaa goor dhow ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Geerida Cali Mahdi ayaa waxaa xaqiijiyey xubno ka tirsan qoyskiisa oo ku sugan Magaalada Muqdisho.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Cali Mahdi uu maalmihii ugu dambeeyey ku xanuunsanaa magaalada Muqdisho, arrimo caafimaadna uu u tagay magaalada Nairobi afar cisho ka hor, halkaasoo uu caawa ku geeriyooday.
La soco faahfaahinta