Allbanaadir.com
NEWS

Museveni oo Warqadaha aqoonsiga ka gudoomay Danjire Cali Cagabaruur (Sawirro)

Madaxweynaha Dalka Uganda Yoweri Kaguta Museveni ayaa waraaqaha safiirnimo maanta ka gudoomay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka u fadhin doono Dalka Uganda Danjire Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cagabaruur).

Safiirka J. F. Soomaaliya Danjire Cali Maxamed Maxamuud Cali Cagabuur ayaa gaarsiiyay Madaxweynaha Uganda salaan uu uga waday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sidoo kale Safiir Cali Cagabaruur ayaa gudoonsiiyay Madaxweyne Museveni dhambaal hambalyo ah uu ka uu usoo diray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo dhigiisa Uganda, middaas oo ugu hambalyeenayay munaasabadda dib loogu doortay Madaxweyne Museveni.

Danjire Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cagabaruur ) ayaa horay usoo ahaa diblimaasi kasoo shaqeeyay dalal ay ka mid yihiin, Bakistaan iyo Uganda oo uu muddo labo sano ah ka ahaa Siihayaha safaaradda.

Related posts

Madaale oo tagay Dekadda Muqdisho waxna ka bedelay Go’aankii uu usoo saaray (Sawirro)

Cabdi Cade

Xildhinaano diidanaa Mudo kororsi oo fashiliyay kulankii Baarlamaanka iyo Ciidamo…

Cabdi Cade

Madaxweyne beeniyay in uu qorsheeyay in xilka ka tuuro kuxigeeniiisa ammaana u jeediyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---