Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ahna Musharax Madaxweyne Xasan Cali Kheyre.
Axmed Madoobe iyo Musharax Kheyre ayaa salaan iyo kala warqaad kadib yeeshay kulan ay uga hadlayeen xaalada siyaasadeed ee dalka gaar ahaan kulanka la filayo in uu ka dhaco xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.
Labada Masuul oo xiriir wanaagsan ka dhaxeeyo ayaa iska wareestay sida ugu macquulsan ee xiligan looga gudbi karo khilaafka hareeyay doorashada iyo sida laga maarmaan u tahay in dalka ka dhacdo doorasho wadar ogol ah.
Madaxweynaha Jubbaland oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa wada kulamo uu la yeelanayo wakiilo katirsan beesha Caalamka iyo siyaasiyiinta mucaaradka uu inta badan kala hadlayay shirka looga hadlayo doorashada iyo sida heshiis loo gaari karo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com