Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii madaafiicda loo adeegsaday ee maanta lagu qaaday xarunta Xalane ee Muqdisho.
Xarunta Xalane oo fariisin u ah Wakiilada Beesha Caalamka ee jooga Soomaaliya iyo taliska ciidamada AMISOM ayaa maanta lagu garaacay ilaa lix madfac ,kuwaa oo la sheegay in ay ku dhaceen gudaha Xalane, waxaana weerarkan ka dhashay khasaaro dhaawacyo ah.
James Swan, ayaa sheegay in weerarkan madaafiicda loo adeegsay aysan khasaaro kasoo gaarin shaqaale katirsan Qaramada Midoobay , waxa uu sidoo kale tilmaamay in aysan waxyeelo sidoo kale kasoo gaarin xarumaha Qaramada Midoobay leedahay.
“Waxaan cambaareynayaa weerarkan madaafiicda hoobiyeyaasha ah ee al-Shabaab ku weerareen garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, waxaan soo kabasho degdeg ah u rajeynayaa dadkii ku dhawaacmay goobaha kale ee garoonka diyaaradaha. In kasta oo ay jiraan falal rabshado wata oo noocaas oo kale ah, hadana saaxiibbada Soomaaliya ee caalamka waxaa ka go’an inay garab istaagaan dadka Soomaaliyeed, ayna sii wadaan taageerada ay u fidiyaan horumarka dalka.” ayuu yiri James Swan.
Al Shabaab ayaana sheegatay masuuliyada weerarkan madaafiicda loo adeegsaday ee maanta lagu qaaday xarunta Xalane oo ah xarun amaankeeda si weyn loo ilaaliyo ayna degan yihiin Safiirada Reer Galbeedka iyo Wakiilada beesha Caalmka ee jooga Soomaaliya.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com