Allbanaadir.com
NEWS

Madaafiic lagu weeraray Xarunta Xalane xili lagu wado in Shir Xasaasi ah ka dhaco

Waxaa goordhaw tiro madaafiic ah lagu weeraray xarunta Xalane ee ku dhinac taala garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, halkaas oo fariisin u ah wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya iyo taliska ciidamada AMISOM.

Qaar kamid ah madaafiicda lagu tuuray xarunta Xalane ayaa la sheegay in ay ku dhaceen gudaha xarunta, walina lama oga khasaaraha ka dhashay madaafiicdaasi oo goordhaw lagu weeraray.

Shaqaalaha ku sugan gudaha xarunta ayaa lagu wargaliyay in ay jirto khatar amaan, waxaana digniin lagu siiyay in ay galaan goobo amaan ah si ay uga bad baadaan madaafiicda.

Weerarkan lagu qaaday xarunta Xalane ayaa kusoo aadeysa xili lagu wado in beri xerada Afisiyooni oo ku dhaw xarunta Xalane ka dhaco shir  xasaasi ah oo looga hadlayo doorashada u dhaxeeya Madaxda Dowlada federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Daawo Sawirro) Qoorqoor oo la ciiday shacabka Dhuusamareeb, hal arrina ka digay

Caydiid Ali

DF oo bilowday nidaam cusub oo lagu saleynayo Miisaaniyada

Caydiid Ali

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya oo soo gaaray Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---