Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Geelle: “Soomaaliya iyo Jabuuti cid kala kaxeyn karta ma jirto”

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka hadlay xiisadda Soomaaliya iyo Kenya, isagoo markii ugu horreysay ka jawaabay dhaleeceyn uga timid dhinaca xkuumadda federaalka Somaaliya.

Dabayaaqadii sanadkii lasoo dhaafay, waxaa mar kale cirka isku shareeray xiisadda sii xumeyneysay xiriirka labada dal, kaddib markii dowladda federaalka Soomaaliya ay dalka dariska la ah ee Kenya ku eedeysay in ay farogalin ku heyso arrimaheeda gaarka ah.

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhigiisa Kenya, Uhuru Kneyatta ayaa bishii December isku arkay shirkii IGAD ee ka dhacay dalka Jabuuti, inkastoo ay wehlinayeen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Jabuuti ayaa xilligaas loo xil saaray in ay dadaal u sameyso sidii loo dajin lahaa xiisadda heerka sare joogtay ee labada dal, islamarkiina waxay Jabuuti sameysay guddi xaqiiqo raadin ah oo soo baara tabashooyinka ay Soomaaliya qabtay.

Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, oo BBC-da wareysi siiyay ayaa markii ugu horreysay tan iyo xilligaas ka hadlay xasaradda labada wadan.

Geelle ayaa sheegay in lagama maarmaan ay tahay in la hagaajiyo xiriirka Muqdisho iyo Nairobi

“Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya way ku khasban yihiin in ay wadashaqeeyaan, in ay xiriir fiican yeeshaan, in ay is isxtiraamaan, dadku ay wax wada qabsadaan,” ayuu yidhi isagoo si adag u hadlayay.

Waxa uu intaas ku daray in labada waddan ay daris yihiin, islamarkaana aysan sina u kala maarmin.

“Labada dal dadkoodu waligoodba way wada noolaayeen, wayna wada noolaan doonaan. Waxaan nahay dad wax wada qabsada, wada dhashay, khilaafna wuu yimaadaa wuuna baxaa, laakiin dadku ma guurayaan, dalkuna ma guurayo,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa sharraxay sababtii uu dowladda Soomaaliya ugu jawaabi waayay markii ay ka caroortay sida ay Jabuuti u wajahday khilaafka Soomaaliya iyo Kenya.

“Tan ugu horreysa, Soomaaliya iyo Jabuuti cid kala kaxeyn karta ma jirto, tan labaadna howshan waxay ku timid dalab uu madaxweynaha Soomaaliya ku soo bandhigay shir madaxeedkii IGAD, oo nala yiri ‘idinkaa ugu dhowe bal soo eega’, waan iska diidi karnay oo waan odhan karnay cid kale u dirsada, laakiin kalgacal baan u oggolaanay,” ayuu yiri.

Xigasho: BBC

Related posts

Qarax goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo masuul waxyeelo kasoo gaartay

Cabdi Cade

Ciidanka DF oo soo bandhigay labo Sarkaal oo ka tirsanaa Al-Shabaab (Sawirro)

Caydiid Ali

Hab-dhowraha Aqalka Sare iyo kuxigeenkiisa oo la ansixiyay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---