Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dagaalyahano ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku soo dhiibay ciidamada dowlada

Laba xubnood oo ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa isku dhiibay ciidamo ka tirsan milatariga Soomaaliya oo ku sugan Magaalada Marka ee gobolka Shabeellada hoose.

Warbaahinta dowlada ayaa sheegtay in xubnaha isasa soo dhiibay ay lagu kala magacaabo Isaaq Cumar Ibraahim, iyo Qaasim Cabdulaahi Cali, sida laga soo xigtay saraakiisha ciidanka xoogga ee 14 October ee ku sugan magaalada Marka.

Taliyaha ururka 14-aad guutada 14-ka oktoobar  Gaashaanle Cabduqaadir Maxamed Munye ayaa sheegay in labada dagaalame ee ka tirsanaa Al-shabaab ay la soo xiriireen ciidanka, ayna uga hortageen degaanka Shalaanbood, halkaasna laga soo kaxeeyay.

Waxaa uu sheegay iney soo dhoweeyeen xubnahaas, una sameyn doonaan dhaqan celin, wuxuuna ugu baaqay dagaalyahanada kale ee Al-shabaab iney talaabadaasoo kale qaadaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Khayre iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo Gaaray dalka Qatar (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Jubbaland oo diyaarisay ciidamo cusub oo aad loo hubeeyay (Sawirro)

Cabdi Cade

(Sawirro) Weerar Khasaare badan geystay oo ka dhacay Magaalada Oslo ee dalka Norwey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---