Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wararkii ugu dambeeyey cudurka COVID-19 oo ku sii xoogeysanaya Soomaaliya

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 191 xaalado cusub oo COVID-19 ah 48-kii saac ee la soo dhaafay, 20 qof ayaana u geeriyootay, waxaana ka bogsatay 31 ruux.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir (191), Somaliland (31) iyo Jubbaland (16) qof, 112 ka mid ah bukaannada la xaqiijiyay waa rag, halka 79-na ay yihiin haween.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 8,041 waxaa bogsootay 3,932 Ruux. guud ahaan 294 ruux oo kale ayaa u geeriyootay.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur waxay ku celisay markale inay muhiim tahay qaadashada talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo, maadaama uu markale soo labo kacleeyay halista cudurka COVID-19.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo: Sawir shaki badan dhaliyey oo lagu arkay bogga Wasaarada A/dibeda Itoobiya

Caydiid Ali

Magaalooyin iyo Deegaano badan oo kuyaala Soomaaliya oo saakay laga ciidayo

Cabdi Cade

Qarax khasaaro dhaliyay oo ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faahfaahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---