Allbanaadir.com
NEWS

Shir Xasaasi ah oo u dhaxeeya Musharaxiinta iyo Ra’isul Wasaare Rooble oo socda (Sawirro)

Waxaa goordhaw Hotelka Decale ee magaalada Muqdisho ka furmay shir u dhaxeeya Ra’isul Wasaaraha Xilgaarsiinta Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Golaha Midowga Musharaxiinta Mucaaradka .

Shirkan u furmay Ra’isul Wasaare Rooble iyo Musharaxiinta oo ah kii sadexaad ay isugu yimaadaan ayaa waxaa looga hadlayaa xaalada siyaasadeed ee dalka gaar ahaan muranka ka taagan doorashada waqtigeeda la dhaafay.

Sida aan wararka ku heleyno shirkan caawa u socda Ra’isul Wasaare Rooble iyo Musharaxiinta ayaa looga hadlayaa oo miiska saaran ismari waaga wali taagan iyo sidii labada dhinac ay isugu soo dhawaan lahaayeen.

Shirkan waxaa goobjoog ka ah kana qeyb galaya Madaxwqeynaha Hirshabelle iyo Gudoomiyaha gobolka Banaadir, waxaana la filayaa in shirka kadib warbaahinta la hadlaan xubno matalaya labada dhinac ee shirku u socdo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Rooble oo Amar siiyay Golaha Wasiirada iyo Hay’addaha dowlada (Akhriso)

Cabdi Cade

Shirarkii ka dhici jiray Nairobi oo loo weeciyay Adisababa iyo Dowlada Kenya oo si adag uga jawaabtay eedeyn loo jeediyay !!

admin

Farmaajo oo Xilalka ka qaaday Gudoomiye kuxigeenadii Gobolka Banaadir kuwa cusubna Magacaabay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---