Toddobaadkii dhawaa waxaa soo yeertay in dalka Turkiga uu dhexdhexaadin doono Soomaaliya iyo Kenya xilli Maxkamadda ICJ laga filayo inay qaraar ka gaari doonto dacwada, taasoo dhalisay su’aallo la xiriira xigmada ka dambaysa suluxa. Waxaase caddaatay in warku uu ahaa dacaayad ay fidisay Kenya oo uu wargeyska Africa Intelligence soo qaatay inta aysan la boodin baraha bulshada iyo warbaahinta maxalliga ahba.
Tabaha sirdoonku uu u jahwareeriyo dunida ayaa waxaa ka mid ah in macluumaad jira loo adeegsado marin-habaabin. Warka oo uu qoray wargeys ka soo baxa dalka Turkiga ayaa ahaa, “haddii loo soo bandhigo Itoobbiya inay aqbali doonto dhexdhexaadinta dowladda Turkiga ee ku saabsan muranka xadka ay la wadaagto Sudan” (Daily Sabah 17/02/2021).
Sida muuqata, mar xeero iyo fandhaal kala dhaceen ayaa Kenya baadiggoob u gashay in Soomaaliya ay dacwada dib ugala soo noqoto maxkamadda. Khilaafka jihada saxda ah ee soohdinta badda oo ay labada dal wadaagaan iyo wadahadallo aan miro dhal ahayn oo dhexmaray labada geesood ayaa ka mid ah qodobbada ku riixay Soomaaliya inay xal ka doonto garsoorka caalamka.
Kenya waxaa meel xil leh dhigay damaceeda ahaa: (1) In sohdin-badeedka ay la wadaagto Soomaaliya dib u xariiqato iyadoo qiil ka dhiganeysa heshiiskii 2009; (2) Inay ku duushay dekedda Kismaayo si aan loogala xisaabtamin badda; iyo (3) Inay si sharcidarro ah u xaraashto khayraadka badda Soomaaliyeed iyadoo aan cidna ka baqayn.
Haddaba, su’aashu waxay tahay soohdin durugsiga Kenya qiil ma uga heli kartaa qaanuunka caalamka?
Sideedaba, Maxkamadda ICJ waxay awood u leedahay inay soo saarto xukun kama dambeyn ah oo aan lahayn rafcaan. Qareen Maxamed Cali Maxamed oo faahfaahinaya ayaa yiri, “Kenya waxay og-tahay in go’aanka Maxkamadda ICJ uu saameyn doono dalal kala duwan. Markastaba, garsoorayaasha waxay maanka ku hayaan sameeynta ballaaran ee go’aankooda.”
Kenya waxay ku doodaysa in xuduuddeeda ay xagal-jiifto, lana xiriirto khadka (jiidinta) loo yaqaan “latitude.” Halka Soomaaliya ay aaminsan tahay in xuduudeeda badda ay si toos ah ula socoto teeda dulka (xeebta).
Dalka Ghana iyo Ivory Coast oo isku hayey mas’alad la mid ah tan Soomaaliya iyo Kenya, ayaa maxkamadda ITLOS – The International Tribunal for the Law of the Sea, oo ah mid xalisay khilaafaadka xuduudaha beddelka Maxkamada ICJ, si aqlabiyad leh ugu xukuntay Ghana oo ku doodeysay in soohdinteedu si toos ah ula socoto teeda xeebta, taas oo dhab ahaan la mid ah tan Soomaaliya.
Garyaqaannada Ghana waxaa ka mid ah kooxda Foley Hoag Attorneys oo gacanta ku haysa kiiska Soomaaliya. Inkastoo aan la ogeyn cidda garta raaci doonto, haddana kama wada qosli doonaan Soomaaliya iyo Kenya, mana jiro wax damaanad qaad u ah in Nairobi ay aqbali doonto go’aanka Maxkamada ICJ.
Inkastoo Kenya ay qaddiyadda kala dhexeyso Soomaaliya, haddana xukunka Maxkamada ICJ waxuu si toos ah u saameyn doonaa shirkadaha shidaalka [Eni energy iyo Total] ka baara aagga muranku ka taagan yahay, taas oo ah waxay Kenya la walbahaarsan tahay. Waxaase maragmaddoonto ah in ismaandhaafka uusan ku dhammaan doonin xukunka.
Nabadgelyo ka dhex dhalata waddamada jaarka ah ee gobolka ayaa axdiga lagu aasaasay ururka Bariga Afrika (East African Community, EAC) u ah muqaddas si loo gaaro barwaaqo. Waxaase la yaab leh ujeeddada Kenya ay Soomaaliya kaga horstaagtay ku biirista ururka haddii xasilloonida gobolku tahay waajib, Soomaaliya la’aanteeda aysan suuroggeli doonin.
W/Q Cabdulqaadir Cariif Qaasim
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com