Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Doon tahriibayaal ay Soomaali ku jiraan kula degtay xeebta dalka Jabuuti

Doon ka shiraacatay dalka Jabuuti ayaa ku degtay Xeebta waqooyi ee dalkaasi, waxaana laga cabsi qabaa in falkaas ay ku dhinteen  Soomali fara badan oo tahriibayaal ah.

Agaasimaha Geeska Afrika ee Hay’adda Socdaalka Aduunka ee IMO Maxamed Cabdulqaadir ayaa sheegay in muqalasiinta ay doonta ka tuureen dadkaas markii ay  buuxsantay.

Dadka doonta saarnaa ayuu xusay iney u kala dhasheen Soomaaliya & Jabuuti, kuwaasoo doonayay inay tagaan dalka Yemen.

Waxaa uu intaas ku daray in doontu ku wajahneyd dalka Yemen ayna  saarnaayeen 80 Ruux, isagoo xusay in weli la la’yahay 20 ka mid ah dadkaasi, halka meydka shan qofna la helay.

Waa markii labaad oo doon ay dad Soomali ah kula degto Xeebaha Waqooyi ee dalka Jabuuti muddo saddex bilood gudahood ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliban oo Mareykanka ku wareejisay saldhigiisii Bagram

Caydiid Ali

Dhoobo-daareed: “Deni wuxuu diiday xuquuqdii yareyd ee dastuurku siiyay Ku-xigeenkiisa”

Caydiid Ali

Musharax Madaxweyne Joe Biden oo xil u magacaabay Muwaadin Soomaali ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---