Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Rooble & Musharaxiinta oo kulankii 3aad yeelanaya (Maxaa looga hadlayaa)

Raisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta markale la filayaa inuu kulan la qaato xubnaha Midowga Musharaxiinta mucaaradka, kaasoo la filayo inuu ka dhaco hotelka Decale.

Kulankan ayey wararku sheegayaan in looga hadlayo dhameystirka muranka ka taagan arrimaha doorashooyinka Soomaaliya, iyo sidii xal waara looga gaari lahaa caqabadaha hortaagan.

Kulanka loo ballansan yahay ayaa sidoo kale waxaa ku casuuman Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (QoorQoor) iyo dhiggiisa Hirshabelle Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe).

Labada dhinac ayaa horey ugu balamay in maanta oo khamiis ah kulan ay isugu yimaadaan si loo sii wado wadahadalada u dhexeeya.

Dhanka kale xubno ka tirsan wakiillada beesha caalamka ayaa weli wada dedaallo ay ku qancinayaan maamullada Puntland iyo Jubaland inay ka qeybgalaan shir madaxeedka Muqdisho ee looga arinsanayo doorashada dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ma shaqeyn doonaa go’aanka DF ku dalbatay in la xiro xafiiska QM ee Somalia?

Caydiid Ali

Dowladii ku deeqday gantaalkii Riyaad lagu weeraray oo la ogaaday & cadeymo la soo bandhigay

Caydiid Ali

14 arrin oo lid ku ah tanaasulka uu sheegtay Farmaajo & Rooble oo lagu wareejiyey..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---