Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Farmaajo oo shir deg deg ah la qaatay bahda Caafimaadka & Maamulka G/Banaadir (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay Guddiga Qaran ee Xakameynta Cudurka COVID-19 iyo Bulshada Rayidka ayaa ka dhageysta warbixin ku saabsan saameynta caafimaad iyo dhaqaale ee soo laba kaclaynta cudurkan safmarka ah.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa Madaxweynaha u soo bandhigtay warbixin dhammeystiran oo muujinaysa kororka tirada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee uu soo ritay cudurkan iyo tirada welwelka leh ee dhimashada, waxa ayna adkeysay in bulshada ay taxadir buuxa iyo garowshiyo u yeeshaan halista cudurkan oo soo laba kacleeyey.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey dadaalka Xukuumaddu ay ku xaqiijineyso ilaalinta badqabka caafimaad ee shacabka, waxa uuna xusay in la qaaday tallaabooyin wax-ku-ool ah oo dadka iyo dalka lagaga xakameynayo Cudurka.

“Bulshada ayaa laf dhabar u ah dadaalka dowladdu ay kaga hortageyso faafidda cudurkan, sidaas darteed waxa waajib ah in aan u istaagno wacyigelinta bulshada, una hoggaansanno farriimaha caafimaad iyo qorsheyaasha lagaga hortageyo.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhiirrigeliyey qorsheyaasha Caafimaad, dhaqaale iyo amni ee ay soo bandhigeen Guddiga Qaran ee Xakameynta COVID-19, waxa uuna ganacsatada Soomaaliyeed kula dardaarmay in ay dadkooda u turaan wakhtigan adag.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Taliyaal Ciidan (Akhriso Digreeto)

Cabdi Cade

Sarkaal Milateri oo caawa lagu dilay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Muxuu Cali Guudlaawe ku soo arkay Isbitaalka degmada Aadan Yabaal (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---