Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiirkii Arrimaha Dibadda Maamulka Somaliland oo xilka iska casilay (Sababta)

Wasiirkii Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon ayaa shaaciyay inuu iska casilay xilkii uu ka hayay xukumadda madaxweyne Muuse Biixi.

Madaxweyne Biixi ayaana aqbalay warqadda iscasilaada ee wasiirkii arrimaha dibadda Somaliland, sida ay xaqiijiyeen ilo ku dhow xafiiska madaxweynaha.

Sababta is-casilaada Faratoon ayaa lagu sheegay in uu u tartamo doorashada golaha Wakiillada Somaliland ee xisbiga Kulmiye, taasi oo la filayo in uu berri diiwaan geliyo musharaxnimadadiisa.

Waa mas’uulkii labbaad oo saacado gudahood iska casila xil uu ka hayay Somaliland, waxaa hore isku casilay Afhayeenkii madaxweyne Muuse Biixi, isagoo isku soo sharaxay doorashada golaha wakiilada Somaliland.

Somaliland ayaa waxaa ku soo foodleh doorashooyinka golaha deegaanka iyo kuwa golaha wakiilada, taasi oo ay ku tartamayaan musharixiin ka kala socota xisbiyada ka jira maamulkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Jubbaland oo Diyaar garow ugu jira dagaal ka dhan ah Al Shabaab (Daawo Sawiro)

Cabdi Cade

(Daawo Video) Hooyo Soomaaliyeed oo ku dhibaataysan Degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho

admin

Xog ku aadan :-Ujeedka safarka Gudoomiyaha Aqalka saree e Dhuusamareeb & Imaanshaha Axmed Madoowe iyo Dani ee Muqdisho !!

Caydiid Ali