Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada oo Labo shuruud ku xirtay Banaan baxa Sabtida ee Farmaajo looga soo horjeedo

Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo midowga musharaxiinta Madaxweynaha ayaa ku heshiiyay in maalinta sabtida magaalada Muqdisho ka dhaco banaan bax balaaran oo looga soo horjeedo Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Farmaajo.

Wasiirka warafaafinta Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe, ayaa sheegay in dowlada federaalka ay ogolaatay banaan baxa ay mucaaradka qaban qaabinayaan, waxa uuna xusay in dowlada qabashada banaan baxaasi ku xirtay labo shuruudood.

Waxa uu sheegay Wasiirka in qaban qaabiyaasha banaan baxaya la faray in ay fuliyaan labo shuruud oo ah in dadka ka qeyb galaya banaan baxa ay kala fogaadaan sidoo kale ay xirtaan afsaar.

“Dibadbax lasoo codsaday oo ah kii laga heshiiyay xaley…labo shurudood oo kaliya ah ayaa ku xiran oo qabanqaabiyeyaashii dibadbaxu ay horey u sheegeen labadaa qodob inay diyaar u yihiin waa marka koowaad ee in dadka dibadbaxa imaanaya ay kala fogaadaan iyo inay soo qaataan afsaar labadaa shurudood ayaa muhiim ah, labadaa shurudood marka la fuliya dibadbaxa Sabtida waa la ogolaaday” ayuu yiri Wasiir Dubbe.

Banaan baxan ka dhacaya magaalada Muqdisho ayaa imaanaya xili dowlada Soomaaliya amartay in la xiro goobaha waxbarashada sidoo kale la joojiyo goobaha ay dadka isugu yimaadaan sida xafladaha iyo garoomada ciyaaraha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

RW Rooble oo kulan la qaatay Hay’adaha amniga & Maamulka G/Banaadir (Sawirro)

Caydiid Ali

Maxaa looga hadlay kulankii maanta ee golaha shacabka Somalia? (Sawirro)

Caydiid Ali

Soomaaliya, Waa lagu dhax jiraa mana Oga !!(Qataraha Qarsoon ee lasoo maleegay)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---