Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamanka Somalia oo ku geeriyooday Muqdisho

Allaha u naxariisto waxaa magaalada Muqdisho maanta ku geeriyooday Xildhibaan Axmed Dhimbiil Rooble (Casoowe) oo ka tirsanaa Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan  Axmed Dhimbiil Rooble Canshuur ayaa la sheegaya inuu u geeriyooday xanuunka Coronavirus sida laga soo xigtay xubno ka tirsan eheladiisa.

Xildhibaankaan oo da’ahaa ayaa ku jiray baarlamaanka Soomaaliya 16-sano ee la soo dhaafay, isagoo Guddoomiye ku-xigeenka labaad ka noqday Baarlamaamkii 8-aad ee dalka.

Axmed Dhimbiil Rooble ayaa deegaan doorashadiisu aheyd Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya oo asal ahaan uu ka soo jeedo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Intee la egtahay Rajada laga qabo in Dowlada Somalia laga cafiyo Deymaha lagu leeyahay ?

admin

Koonfur galbeed oo shaacisay qabashada 3 ka mid ah kuraasta golaha shacabka

Caydiid Ali

Nin u dhintay Daawo uu u isticmaalka kahor taga Caronavirus iyo Trump oo sabab u ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---