Allbanaadir.com
MUQDISHONEWSSOMALILAND

Somaliland oo beenisay warbixinta COVID-19 ee ay baahiso dowlada Somalia

Maamulka Somaliland ayaa sheegay in cudurka Covid-19 uu ku soo laba kacleeyay, dadka xanuunka laga helayaana ay sii kordhayaan maalinba maalinta ka dambeysa.

Agaasimaha Wasaaradda caafimaadka Somaliland Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa been abuur iyo tiro khaldan ku tilmaamay xog kasoo baxda Soomaliya oo ku saabsan dadka xanuunka laga helay oo ee ku sugan Somaliland.

“Wax inaga dhexeeyo oo xog is-weydaarsi ah ma jiro ..xogta ay Somaliland ka sheegaan waa xog gebi ahaanba been abuur ah xaqiiqada aanan ku fadhin sal iyo raad toona aanan laheyn” ayuu yiri agaasimaha.

Agaasimaha ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay xog todobaad ay baahisay Wasaarada Caafimaadka Somalia.

“Toddobaad ka hor waxay sheegeen in 40 qof cudurka laga helay degaanada Somaliland, mana jirto cid ay ka soo xigteen waa wax la mala awaalay” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya ayaa maalin walba sii deysa xogta 24-ka saac ee la xiriirta cudurka COVID-19. taasoo mararka qaarkood lagu soo daro dad ku sugan Somaliland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya oo la kulmay Boqor Cabdalla (Daawo Sawirada)

admin

Warrakii u Dambeeyay Dagaal fool ka fool ah oo dhax maray Ciidamada Isreal iyo Xamaas

Cabdi Cade

Jalmad qadiimi ah oo lagu iibsaday Lacag gaareysa Hal milyan oo dollar !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---