Allbanaadir.com
NEWS

Guddoomiyaha Golaha shacabka oo la kulmay wafdi uu horkacayey Fulgencio Garrido (Daawo Sawirro)

Guddoomiyaha golaha shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa maanta la kulmay Wafdi ka socday Midowga Yurub oo uu hogaaminayay Fulgencio Garrido Ruiz oo ah Madaxa Siyaasadda Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka Baarlamaanka Soomaaliya iyo Midowga Yurub iyo qodobo kale oo ku saabsan xaalada Soomaaliya.

Guddoomiyaha  golaha shacabka JFS, ayaa ugu horeyn wafdigaan uga warbixiyay waxyaabaha u qabsoomay golaha shacabka iyo qorshayaasha hadda u degsan.

Waxyaabaha labada dhinac  ay aadka uga wada hadleen waxaa ka mid ah in Midowga yurub uu golaha Shacabka ka taageero dhinacyada farsamada, inuu tababaro guddiyada golaha shacabka iyo sidoo kale In la helo qubaro ka qeyb qaata diyaarinta shuruucda Dalka muhiimka u ah.

Sidoo kale guddoomiyaha golaha shacabka, ayaa kulan la qaatay gudiga xeer hoosaadka ee golaha shacabka oo ay ka wada hadleen arrimaha xeer hoosaadka iyo qodobada wax ka bedelka u baahan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Erdogan oo dhigiisa Putin ka dhameeyey arin uu horey u diidanaa

Caydiid Ali

Dowlada India oo burburisay Masaajid caan ah iyo caro ka dhalatay (Sawirro)

Caydiid Ali

Booliis baadi goobaya Dhaqtar Caan ku ahaa Qurxinta Haweenka (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---