Allbanaadir.com
NEWS

Xog la xariirta fulinta Weerar halis ah ay qorsheenayaan Al Shabaab oo la shaaciyay

Dowlada Mareykanka ayaa shaacisay xog la xariira in dagaalyahanada Al Shabaab qorsheenayaan weeraro ka dhan ah diyaaradaha rayidka ee isticmaala hawada Kenya iyo kuwa ka degaya garoomada dalkaasi.

Maamulka Duulista Hawada ee Federaalka Mareykanka ee loosoo gaabiyo magaceeda (FAA) ayaa dowlada Kenya la wadaagtay digniin la xiriirta in Al Shabaab qorsheenayaan in weeraraan diyaaradaha Kenya hawadeeda isticmaala.

Warbaahinta Kenya sida ay daabaceen Maamulka FAA ayaa sheegtay in Al Shabaab marar badan ku hanjabeen in ay weerararaan diyaaradaha Rayidka ee Kenya hawadeeda mara si ay ugu aargudaan dadka ay ciidamada Kenya ku waxyeeleeyaan gudaha Soomaaliya.

“Xadgudubka Xagjirnimada ee kasoo gudbaya Xadka Soomaaliya waxa ay halis ku tahay duullimaadyada rayidka Mareykanka & kuwa dibadda & gudaha ah, waana in la ilaaliyaa hawada Kenya”  ayaa lagu yiri qoraalka digniinta ah ee loo gudbiyay dowlada Kenya.

Digniinta loo diray Kenya ayaana lagu sheegay in kooxda Al Shabaab awood u leedahay in ay weerarto diyaaradaha isticmaalaya hawada Kenya iyaga oo adeegsanaya hub kala duwan sida kuwa lidka diyaaradaha iyo kuwa garbaha laga tuuro .

Al Shabaab ayaana horey weerar xoogan uGU qaaday xero ciidamada Mareykanka ku leeyihiin gudaha Kenya, taa oo xoojisay suurto galnimada in Al Shabaab fulin karto weeraro lagu beegsado diyaaradaha rayidka ee taga dalka Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxkamad sii deysay nin lagu helay inuu kufsaday haweeney (Sababta)

Caydiid Ali

Masuul u xiran dowlada Somalia oo loogu magac daray garoon dayuuradeed (Sawirro)

Caydiid Ali

Nin 35-sano kahor ka goostay Ciidamada Cirka Mareykanka oo la xiray (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---