Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wararkii ugu dambeeyey xaalada cudurka Coronavirus ee gudaha Soomaaliya

Wasaaradda Caafimaadka Somalia ayaa sheegtay in 24kii saacadood ee la soo dhaafay laga helay cudurka Coronavirus dad gaaraya 135 qof dalka oo dhan.

“Maanta sabti ah waxaa cudurka laga helay dad cusub oo tiradoodu gaareyso 135 qof kuwaasoo 71 ka mid ah yihiin rag, halka 64 kalena ay yihiin dumar, waxayna tirada guud ee dadka cudurka laga helay Somalia oo dhan ka dhigeysa 7, 392 qof inta laga warqabo” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaarada Caafimaadka.

Waxaa sidoo kale qoraalka lagu sheegay in 110 ka mid ah dadka maanta laga helay cudurka ay joogaan Muqdisho, halka Somaliland 15 laga helay, Koonfur galbeed 6, Galmudug oo 1 ah iyo Jubbaland 3 laga diiwaan geliyey.

Wasaarada waxay intaas ku dartay in dad gaaraya 4 qof ay 24kii saac ee la soo dhaafay u dhinteen cudurka kuwaasoo dhamaantood ku sugnaa Muqdisho.

Wasaarada Caafimaadka Xukuumada Somalia ayaa horey u sheegtay in kiisaska cudurka ee laga helayo dalka ay sare u sii kaceyso maalinba maalinta ka dambeysa, loona baahan yahay shacabka iney ku dhaqmaan talooyinka ka hortaga ah si yareeyo faafida cudurkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Fanaanad xabsi & ganaax ku muteysatay hadal aan macno laheyn oo kaftan ah (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Wasiirka Gaashaandhiga Somalia oo booqday degaan dhowaan laga saaray Al-Shabaab (Sawirro)

Caydiid Ali

Kaalmo dhaqaale oo la siinayo dowlada federaalka Soomaaliya oo la ansixiyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---