Allbanaadir.com
NEWS

Muuse Biixi oo soo saaray Go’aan farxad galiyay Murashixiinta Haweenka iyo Dadka la hayb sooco

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto uu soo saaray ku go’aamiyey in Xukuumadda  Somaliland bixiso lacagta Deebaajiga ah ee Murashixiinta Haweenka iyo Dadka-la-hayb-sooco.

Muuse Biixi ayaa faray Wasaarada Maaliyadad Somaliland in lacagta debaajiga ka bixiso Murashixiinta Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka Murashixiinta Haweenka iyo Dadka-la-hayb-sooco

Halkan ka Akhriso Wareegatada uu arintan kasoo saaray Muuse Biixi

WAREEGTO MADAXWEYNE: 01 /03/2021
 
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WHM/240-718/03202 ku go’aamiyey in Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland bixiso lacagta Deebaajiga ah ee Murashixiinta Haweenka iyo Dadka-la-hayb-sooco.
 
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
 
Ku: Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda
Og: Guddoomiyaha Xisbiga UCID
Og: Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI
Og: Xisbiga KULMIYE
Og: Xisaabiyaha Guud ee Qaranka
Og: Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka
Og: Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka
Ujeeddo: Deebaajiga Murashixiinta ee Haweenka iyo Dadka-La-Hayb Sooco
 
Mudane Wasiir,
Sida aad la socoto Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha, Xeer Lr. 91/2020 Qodobka 68aad iyo Qodobka 83aad waxa ay ku waajibinayaan Murashixiinta Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka in ay bixiyaan Lacag Deebaaji ah, kuna shubaan Xafiiska Cashuuraha Barriga ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda.
 
Haddaba, si ay xukuumaddu u dhiirigaliso ka qayb-galka Doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka ee Haweenka iyo Dadka-la-hayb-sooco waxaan go’aamiyey in Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland bixiso lacagta Deebaajiga ah ee Murashixiinta Haweenka iyo Dadka-la-hayb-sooco.
 
Sidaa darteed, waxa aan ku war-gelinayaa Xisbiyadda Qaranka in ay Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda u gudbiyaan faah-faahinta murashixiinta kor ku xusan ee shuruudihii sharciga buuxiyey.
 
Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda waxa la farayaa in ay bixiso lacagta sharcigu ku waajibiyey murashixiinta kor ku xusan ee shuruudaha buuxiyey ee ay kuu soo gudbiyaan Guddoomiyayaasha Xisbiyada Qaranku.
 
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al-Shabaab oo shaacisay Magacyada Masuuliyiin dhimasho & dhaawac uu ka soo gaaray qaraxii shalay

Caydiid Ali

Wararkii ugu dambeeyey dagaalkii Tukaraq iyo khasaare badan oo ka dhashay

Caydiid Ali

Dhalinyaro careesan oo maanta Banaan bax ka dhigay Taalada Daljirka Dahsoon

Cabdi Cade
Taboola Ads ---