Allbanaadir.com
NEWS

Guddiga Hirgelinta Doorashada Heer Federaal oo War Cusub soo saaray (Akhriso)

Qoraal kasoo baxay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa loogu baaqay Madaxda Dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada in ay isugu yimaadaan shir lagu xalinayo tabashooyinka heshiiskii ay horey u gaareen.

Waxa sidoo kale guddiga lagu muran sanyahay ee hirgelinta doorashooyinka soo dhaweeyeen heshiiskii dhawaan Hotelka Decale ku gaareen Xukuumada Soomaaliya iyo golaha Midowga Musharaxiinta.

Halkan ka Akhriso qoraalka kasoo baxay Guddiga Doorashada Heer Federaal 

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal wuxuu ugu baaqayaa  Golaha Wadatashiga Qaran ee dalka in ay deg deg isugu yimaaddaan, si loo xaliyo tabashooyinka kasoo laabtay heshiiskii 17-kii Sebteembar 2020.

Guddigu wuxuu kaloo soo dhoweynayaa heshiiskii dhawaan ay wada galeen Midowga Musharixiinta iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku saabsanaa is fahamka waxyaabihii dhacay, waxaana guddigu ku boorrinayaa in ay sii wadaan dadaallada la isugu soo dhoweynayo dhinacyada siyaasadda iyo daneeyayaasha kale ee doorashooyinka, si wadanka ay uga qabsoonto doorasho loo wada dhan yahay oo xor iyo xalaal ah.

Guddigu isagoo ka eegaya xaaladda dalka dhinacyada amniga, siyaasadda iyo duruufaha kale ee nololeed ee ay qabaan dadka Soomaaliyeed, una baahan in laga gudbo marxaladdan wuxuu ku baaqayaa in dhinacyada Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka oo ah cidda ay ka go’do taladda doorashadu ay fuliyaan heshiiskii doorashada ee 17 Sebteembar 2020.

Guddigu waxaa kale oo uu ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada in ay ku dadaalaan, qaybna ka qaataan isu soo dhoweynta dadka, lagana fogaado hadallada ku dhisan kala kaxaynta iyo qaybinta bulshada.

Guddigu wuxuu u  mahad celinayaa cid kasta oo ka qayb qaadatay dadaaladii xal u helidda ee heshiiskii Muqdisho ka dhacay 25 Febraayo. Sidoo kale waxaa Guddigu u mahad celinayaa dadaalada xoogan ee ay Beesha Caalamka ugu kala dab qaadayaan dhinacyada si loo gaaro is faham buuxa.

Ugu dambeyntii, Guddigu waxa uu shacabka Soomaaliyeed u caddeynayaa in xalka kaliya ee marxaladdaan xasaasiga ah looga gudbi karaa ay tahay in dalka ay ka dhacdo doorasho loo dhanyahay, iyadoo guddiguna diyaariyey dhammaan habraacyadii doorashooyinka ee loo baahnaa, una diyaarsanyahay qabashada doorasho xor iyo xalaal ah, oo ka dhacda dalka, waafaqsanna heshiiskii siyaasadeed ee ka soo baxay  Golaha Wadatashiga Qaran  17/09/2020.

Related posts

Beesha caalamka oo War ka soo saartay talaabooyinka uu qaaday Farmaajo (Akhriso)

Caydiid Ali

Hub iyo gaadiid Dagaal oo lagu qabsaday Weerarkii Janaay Cabdalle oo lasoo bandhigay (Sawirro_

Cabdi Cade

Afgembi ka dhacay Bolivia iyo Madaxweynihii dalkaas oo xabsiga la dhigay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---