Waxaa galabta lagu wadaa in magaalada Muqdisho kulankii labaad ku yeeshaan Ra’isul Wasaaraha Xil gaarsiinta Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha.
Afhayeenka Xukuumada Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa sheegay in kulanka Ra’isul Wasaaraha iyo Golaha Midowga Musharaxiinta uu ka dhici doono hotelka Decale ee kuyaala garoonka Aadan Cadde.
”Si loo sii dhameystiro heshiiskii 25kii Febraayo, Ra’isul Wasaare Mohamed Hussein Roble ayaa galabta kula kulmaya Hotel Decale Midowga Musharraxiinta. Xukuumaddu wax ay dadaal dheeri ah ku bixinaysaa sidii ay ula fariisan laheyd cid walba oo ka aragti duwan si dalka uu doorasho u galo.” ayuu yiri Macalimuu.
Kulanka dhax maraya Ra’isul Wasaare Rooble iyo Musharaxiinta mucaaradka ayaa looga hadli doonaa dhameestirka heshiiskii khamiistii dhax maray, iyaga oo sidoo kale kawada hadli doono sida xal looga gaari karo khilaafka doorashada ka taagan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com