Allbanaadir.com
NEWS

Gudoomiye Degmo oo qarax lagu lagula eegtay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Waxaa goordhaw qarax nuuca miinada hareeraha wadooyinka la dhigo ah lala eegtay Gudoomiyaha Degmada Yaqshiid ee gobolka Banaadir Axmed Cabdullaahi Cariif & Saraakiil boolis ah oo la socotay.

Sida aan wararka ku helnay qaraxan ayaa ka dhacay deegaanka Daarusalaam oo xiligaasi marayeen gudoomiyaha degmada Yaqshiid iyo saraakiil katirsan ciidanka booliiska Gobolka Banaadir.

Qaraxan ayaa la sheegay in uusan ka dhalan wax khasaaro nafeed ah, waxaana khasaaro uu gaarsiiyay qaraxa mid kamid ah gaadiidkii ay wateen saraakiisha booliiska ee la socday Gudoomiyaha Yaqshiid.

Qaraxan ayaa noqonaya kii labaad oo maanta ka dhaca magaalada Muqdisho , waxaana qaraxyada miino noqdeen kuwa kusii kordhaya wadooyinka magaalada Muqdisho ,iyadoona lala eegto inta badan gaadiidka ciidanka iyo kuwa masuuliyiinta wataan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii ugu Dambeeyay Ansixinta Golaha Wasiirada Hirshabelle iyo Xildhibaanadii kasoo horjeeday Wasiirada  oo…

admin

Xukuumada Itoobiya oo si kulul uga hadashay cunaqabateynta Maraykanka ee Eritrea

Caydiid Ali

(Sawirro) Wasaaradda Maaliyadda oo soo bandhigtay nidaamka casriyaynta Furdooyinka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---