Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Al-Shabaab oo weerar culus ka fulisay gudaha Kenya & khasaare ka dhashay

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa weeraray fariisin ciidamada Kenya ku leeyihiin duleedka Magaalada Mandhera ee gobolka Waqooyi Bari dalkaas.

Degaanka Sheekh Barrow ee duleedka Mandhera oo ah goobta weerarku ka dhacay ayaa waxaa la isku weydaarsaday rasaas rasaas culus sida ay sheegayaan goob joogayaal ku sugan degaanka.

War Al-Shabaab ay ka soo saartay weerarka ayey ku sheegteen inay ku dileen Sarkaal ka tirsan Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kenya iyo askar kale ayna ku dhaawaceen ciidamo kale.

Saraakiisha ciidamada Kenya ee Gobolka Waqooyi Bari weli kama hadlin weerarkan oo qeyb ka ah weeraro joogto ah oo Al-shabaab sanadihii la soo dhaafay ka waday gudaha Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xubnaha labada aqal oo weli sii wada doodaha wax ka bedelka dastuurka (Sawirro)

Caydiid Ali

Arday dil argagax leh u geestay labo kamid ah Macalimiintiisa kaddibna u wacay Booliiska

Cabdi Cade

Farmaajo oo ka hadlay colaadaha sokeeye ee ka aloosan dalka Baaq muhiim ahna diray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---