Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweynaha Mareykanka oo Balan qaad u sameeyay Madaxweyne Uhuru Kenyatta

Madaxweynaha dalka Maraykanka, Joe Biden, ayaa wadahadal dhinaca telfoonka la yeeshay Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta, waxa ayna labada madaxweyne kawada hadleen arimo dhoor ah ay kamid yihiin xoojinta xiriirka labada dal.

Joe Biden ayaa u balan qaaday Dhigiisa Kenya  sida ay Maraykanka uga go’an tahay inuu sii wado in Kenya uu kala shaqeeyo kana taageero nabadda iyo amniga gobolka gaar ahaan la dagaalanka argagaxisada.

Madaxweynaha dalka Kenya ayaa bogaadiyey kaalinta hogaamineed ee Kenya ee gobolka Geeska Afrika ee dhinacyada la dagaalanka argagixisada, kobcina dhaqaalaha, wax-ka-qabashada isbeddelka cimilada, iyo horumarka la joogteyn karo.

Labada Madaxweyne ayaa sidoo kawada hadlay xaaladda bani’aadiminimo ee sii xumaanaysa ee gobolka Tigray ee dalka Ethiopia iyo baahida loo qabo in joojiyo nafta baxaysa, lana hubiyo galaangalka hawlaha bani’aadaminimo.

Dowlada Mareykanka ayaa xiriir wanaagsan la leh Dowlada Kenya, waxaana Mareykanka Kenya ka taageeraa dhinaca ciidamada gaar ahaan la dagaalanka waxa loogu yeero kooxaha argagaxisada ee dalkaasi ka dagaalanta.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Isbitaalka Kalkaal oo dalka Keenaya Dhaqtar Daweenaya Dhalmo la’aanta raga iyo cuduro kale

Cabdi Cade

DF oo ka jawaabtay hadal dhowaan ka soo baxay Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland

Caydiid Ali

Guddiga dib u eegista dastuurka ee labada aqal oo lagu kordhiyey lix xubnood oo metelaya..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---