Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa sheegaya in xalay kulan gaar ah oo albaabada u xirnaayeen magaaladaasi ku yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya Faramaajo iyo labo kamid ah Madaxda maamul goboleedyada.
Kulankan oo ka dhacay Hotelka uu Nairobi ka degan yahay Madaxweyne Farmaajo waxaa kasoo qeyb galay Madaxwenayaasha maamulada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Hirshabelle, waxaana kulankan in uu ka qeyb galo ka cudur daartay Axmed Madoobe.
Sida aan Wararka ku helnay kulankan ayaa la filayay in Madaxweyne Farmaajo la qaato Sadaxda nin ee Hogaamisa Maamulada Jubbaland ,Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed, hasa ahaatee waxaan kulanka soo xaadirin Madaxweynaha Jubbaland.
Kulankan uu Madaxweyne Farmaajo la qaatay Shariif Xasan iyo Waare ayaa looga hadlay sida loo xalin lahaa is fahmi waaga u dhaxeeya Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheydsiga ay sameesteen Madaxda maamul goboleedyada.
Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa dhawaan markii uu kasoo laabtay dalka Imaaraadka Carabta waxa uu weerar afka ah ku qaaday dowlada Federaalka Soomaaliya , waxa uuna ku dhaliilay dowlada go’aanka ay ka qaadatay Xiisada Khaliijka.
Dhinaca kale Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale xalay kula kulmay Nairobi Xildhibaanada Soomalida Kenyanka ah ee ku jira Baarlamaanka Kenya, waxa uuna kula hadlay sida loo xalin karo is fahmi waaga u dhaxeeya Jubbaland iyo Dowlada Fedeeaalka.
Xildhibaanadan ayaa u balan qaaday Madaxweyne Farmaajo in ay la hadki doonaan Hogaamiyaha Jubbaland kana shaqeyn doonaan sidii xiisada loo dhameyn lahaa labada dhinac isugu soo dhawaan lahaayeen.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shalay gaaray magaalada Nairob ee caasimada Kenya, waxa uuna Madxaweynaha a kulmay Madaxda Kenya iyo sidoo kale Madax katirsan maamul goboleedyada dalka.
Abdirahman Xuseen Mamaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya
Allbanaadir@live.com