Allbanaadir.com
NEWS

Milatariga Soomaaliya oo gacanta ku dhigay Dagaalyahano katirsan Al Shabaab

Ciidanka milatariga Soomaaliya ee ka howlgala gobolka Baay ayaa howlgal ay sameeyeen gacanta kusoo dhigay dagaalyahano katirsan Al Shabaab oo ku sugnaa tuulooyin hoosyimaada deegaanka Owdiinle.

Saraakiil katirsan ciidanka milatariga oo howlgalka hogaaminayay ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen afar dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab oo ay sheegeen in dhibaato ku hayeen shacabka deegaanka.

Waxa ay sheegeen saraakiishan in ciidanka milatariga howlgalka fuliyeen kadib markii ay xog ku heleen in dagaalyahanadan katirsan Al Shabaab dhibaato ku hayaan shacabka ku sugan tuulooyin hoostaga deegaanka Owdiinle.

Xero milatari ay leeyihiin ciidanka dowlada ayaa la geeyay afarta nin ee la sheegay in ay katirsan yihiin Al Shabaab, waxaana xubnahan la sheegay in loo qaadayo magaalada Baydhabo si baaritaano loogu sameeyo.

Ciidanka milatariga iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa marar badan howlgalo ay sameeyeen ku sheegay in ay dileen dagaalyahano katirsan Al Shabaab kuwa kalana nolosha kusoo qabteen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Somalia oo soo bandhigtay Magacyada Saraakiil laga dilay Al-Shabaab

Caydiid Ali

Daawo: Xiisada Axmed Madoobe iyo DF oo ka dartay & digniin laga bixiyey doorashada Somalia

Caydiid Ali

Muxuu Xoghaye Blinken markii 11aad u tagay Israel?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---