Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare hore oo Farmaajo uga digay Diktaatooriyad & adeegsiga awood Millateri

Ra’isul Wasaarihii hore ee Xukuumada Soomaaliya sidoo kale soo noqday Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka gaar ahaan xiisada ka taagan magaalada Muqdisho.

Gaas ayaa sheegay in shacabka iyo siyaasiyiintaba ay xaq u leeyihiin in ay banaan bax dhigaan ayna muujiyaan dareenkooda, waxa uuna cadeeyay in banaan baxa uu yahay mid dastuurka ogolaanayo aysan cidna is hortaag ku sameyn karin.

Waxa uu sheegay Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya hadii banaan baxa la dhigayo uusan aheyn mid foodo lagu abuurayo aysan jirin cid is hortaag ku sameyn kartaa, waxa uuna dowlada uga digay in caburinta joojiyaan.

“ Xaq beey u leeyihiin Musharixiinta iyo dadka kale inay banaanbaxan, dowladdana aad ayay ugu qaldan tahay inay hor-istaagto, banaanbaxa waxaa keenay rajo xumo iyo quus lag muujiyay in doorasho dimuqraadi ah dhacdo ayuu yiri” Cabduweli Gaas.

Prof Gaas ayaa sidoo kale sheegay in go’aanka dowlada ku joojineyso banaan baxa iyada oo ku mar matsiyeeneysa xanuunka Covid-19 uu yahay mid siyaasadeesan oon marnaba la aqbali karin.

Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa uga digay Dowlada gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo adeegsiga awood milatari iyo caburin, waxa uuna cadeeyay in dalkan uu soo maray 21-sano oo diktooriyad ah ayna dadku iska diideen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo shaaciyay in aysan niyad jabineen Weerada Al Shabaab

Cabdi Cade

Labo Dal oo wada qorshe Ciidamo Soomaali ah lagu geenayo Liibiya si ay uga dagaal galaan

Cabdi Cade

Maraykanka wada qorshe cusub oo lagu joojinayo dagaalka ka socda Itoobiya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---