Allbanaadir.com
NEWS

Rooble iyo Musharaxiinta oo maanta la filayo in ay ku kulmaan Hotel kuyaala Muqdisho

Waxaa is afgarad iyo isku soo dhawaansho laga gaaray waan waan laga dhax waday Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Golaha midowga Musharaxiinta Madaxweynaha.

Ergo labada dhinac u kala dabqaadeysay ayaa ku guuleestay in isku soo dhawaansho la gaaro, waxa ayna ergada ku guuleesteen in meesha laga saaro shuruudo badan oo ku xirnaa in labada dhinac kulmaan, halka shuruudaha qaarna la fuliyay.

Sida laga soo xigtay xubno katirsan ergada waan waanta waday Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya iyo Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa lagu wadaa in maanta kulan ku yeeshaan Hotelka Decale ee ku dhaxyaala garoonka Aadan Cadde.

Kulanka ay yeelanayaan labada dhinac ayaa la filayaa in ay uga wada hadlaan rabshadihii ka dhashay banaan bixii Jimcaha iyo sidii mar kale Musharaxiinta loogu ogolaan lahaa in banaan bax nabdoon qabsadaan.

Lama oga in kulankan la filayo in uu dhax maro Ra’isul Wasaare Rooble iyo Midowga Musharaxiinta in uu meesha ka saari doono banaan baxa ay iclaamiyeen Musharaxiinta in  beri lagu qaban doono Muqdisho.

Waxii warar ah ee kusoo kordha kala soco wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Weriye Gurbiye oo goor dhow helay xoriyadiisa & Xog ku aadan sii deyntiisa

Caydiid Ali

Sargaal katirsan Booliiska Canada oo loo heesto dilka Muwaadin Soomaaliyeed

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo arrimo muhiim ah kala hadlay Steen Andersen (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---