Puntland ayaa muddo shan cisho ah u qabtay 14 ka tirsan shaqaalaha xafiiska Qaramada Midoobey ku leedahay magaalada Garoowe.
Shaqaalahan oo dhamaantood Soomaali ah ayaa lagu eedeeyey inay iska bixin waayeen canshuur ku waajibtay, iyadoo shanta cisho ee loo qabtay la doonayo iney ku bixiyaan canshuurta waxayna magacyadooda kala yihiin.
1-Xamdi Cabdiraxmaan Cali oo u shaqeysa UNDP
2-Axmed Xasan Maxamed oo u Shaqeeya UNDP
3- Cabdinaasir Maxamed Xasan oo u Shaqeeya UNDP
4-Maxamed Maxamuud Gees oo u Shaqeeya FOA
5-Naciimo Saciid Faarax oo u Shaqeysa UNDP
6- Cali Cabdullaahi Cali Faarax oo u Shaqeeya UNDP
7- Abshir Yaasiin Saalax oo u Shaqeeya FAO
8-Seytuun Cartan Awaare oo u Shaqeeysa UNDP
9-Cawil Cabdinuur Yuusuf oo u Shaqeeya UNDP
10-Cabduqaadir Maxamed Muuse Beeldaaje oo u Shaqeeya FAO
11-Muqtaar Maxamed Jaamac oo u Shaqeeya WFP
12-Maxamed Maxamuud Xasan oo u Shaqeeya FAO
13-Maxamed Cali Ibrahim oo u Shaqeeya FAO
14-Barqad Shire Yuusuf FAO
Xeer-ilaaliye ku-xigeenka Puntland Maxamed Xareed Faarax ayaa sheegay in hadii mudadaas loo qabtay cashuurta ku bixin waayaan shaqaalahaasi ay ka joojin doonaan in ay ka shaqeeyaan Puntland, xabsina dhigi doonto.
Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in 14 galdacwadeed laga soo gudbiyay Shaqaalaha Qaramada Midoobay taasoo ku aadan in ay diideen bixinta Canshuurta ku waajibtay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com