Midowga musharaxiinta ayaa mar kale ku celiyay in ay qabanayaan banaan bax nabdoon oo looga soo horjeedo hab dhaqanka siyaasadeed ee Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Afhayeenka Midowga Musharaxiinta Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle oo Warbaahinta la hadlay ayaa ku celiyay in Jimacaha qabanayaan banaan bax, waxa uuna uga digay dowlada in isbaaro u dhigato qabashada banaan baxaasi.
Daahir Gelle ayaa sheegay in Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Farmaajo isku dayayo in uu isbaaro u dhigto una hor istaago banaanbaxa, waxa uuna cadeeyay in banaan baxa u joojin doonin isbaaro loo dhigto iyo cabsi galin.
“In nala qasbo ayaa diidnay Soomaali haddaan nahay hadda ka hor, hadana ma aqbali karno, taas nuxurkeeda waxaa kala jeednay maalin dhoweyd markii bannaan baxa nabadeed aan qabaneynay isbaaro ayaa naloo dhigtay, isbaaro iyo argagixiso looma hoggaansamo waa laga horyimaadaa sidaas darteed waxaa go’aansananay maalinta jimcaha ee soo socota waxaa rabnaa inaan mudahaaraadkii nabadeed inaan qabno waxaa rabnaa in laga waantoobo isbaaradii loo dhigan jiray la ogaado isbaaro iyo argagixiso looma hoggaansamo waa laga diidaa, culeys ayuu leeyahay, laakiin haddii la iska dhaafo waxa idinku dhacayo ayaa ka badan waa gumoobeysaan, mana rabno Soomaali inay gumowdo dadka inaan waxaan inaan barno yeel oo sharci darro ah maya oo sharci ah inay ka horgeeyaan”ayuu yiri Musharax Dahir Maxamuud Geelle
Warkan kasoo baxay Midowga Musharaxiinta ayaa kusoo aadaya xili dowlada Soomaaliya dhankeeda shaacisay in aan la qaban karin wax banaan bax ah, waxaana laga cabsi qabaa in mar kale rabshado ka dhacaan Muqdisho maalinta jimcaha.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com