Siyaasi Cqaadir Barnaamij ayaa Ummadda Soomaaliyeed, Iyo Beesha Xawaadle uga tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee xalay ku timid Ugaas Xasan Ugaad Khaliif Ugaas Rooble.
C/qaadir Barnaamij ayaa yiri “Geerida Ugaaskeena Ugaas Xasan Ugaas Khaliif waa mid xanuun badan, wuxuu ahaa tiir culus oo aan ku hirano, RABBI Janna-tul-fardowsa ha geeyo, Ummadda Soomaaliyeed iyo Dhamaanteen samir iyo iimaan ALLAHA naga waddo siiyo”
Siyaasi C/qaadir Barnaamij ayaa intaa ku daray ” Ugaas Xasan wuxuu ahaa Ugaasyada ugu magacweyn bulshada Bulshada Soomaaliyeed, waxaa lagu xusuusan dadaalkii uu u galay ka horaga fatahaada B/weyne, Magaaladu in biyo Nadiifa ay hesho iyo in la dhiso Garoonka Ugaas Khaliif, iyo dowrka uu ka qaatay dejinta xasaradaha siyaasadeed ama maamul ee B/weyne ka jiray sanadihii la soo dhaafay , Ugaasku wuxuu jeclahaa in Magaca Hiiraan uu sareeyo”
Gunaanadkii ayuu yiri Cqaadir Barnaamij “Ugaad Xasan intuusan dhiman waxaa uu rajeynayay inuu B/weyne dhigo gogol nabadeed oo Soomaali laysugu keeno, wuxuu Ugaasku jeclaa shacabka Soomaaliland wuxuu jeclaa in uu sabab u noqdo in Shacabka Soomaaliyeed iskoo noqdo, runtii dhimashada Ugaaska waa khasaaro Ummadeed iyo mid Qaran.”
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com