Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dowlada Uganda oo beenisay War laga faafiyay Madaxweyne Yoweri Museveni

Warbaahinta dalka Uganda iyo kuwa caalami ah ayaa baahiyay in Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni , iyo masuuliyiinta kale oo ku dhaw dhaw la siiyay talaalka ka hortaga cudurka Covid-19.

Warkan ayaana si weyn ugu faafay gudaha dalka Uganda xili uu dalkaasi kusii faafayo cudurka Covid-19, waxaana dadku isweediinayaan sababta madaxda kale u qaateen talaalka oon wali dalkaasi la gaarsiin.

Wasiiradda Caafimaadka ee dalka Uganda, Jane Aceng, ayaa waxbo kama jiraan iyo been ku tilmaantay warkan sheegaya in Madaxweyne Museveni iyo masuuliyiin kale qaateen talaalka kahor taga Covid-19.

”Madaxweynaha iyo xubnaha kale ee madaxtooyada midna aan la siinin wax tallaal ah, warkaasi waa mid aan jirin “ayey tiri Wasiirada caafimaadka dalka Uganda oo ka jawaabeysay warkan la faafiyay.

Dowlada Uganda ayaa mucaawino ahaan u fileysa in loo soo gaarsiiyo  100,000 oo ah tallaalka loo yaqaanno AstraZeneca, oo ugu deeqday Hindiya, iyo 300,000 oo tallaalka Sinopharm ah Uganda ka sugeyso dalka Shiinaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Baarlamaanka Galmudug oo ka laabtay Qodob shalay soo saareen kadib Cabasho ka timid Murashaxiin

Cabdi Cade

Sidee Xassan Shiikh iyo wafdigiisa loogu soo dhoweeyey Kismaayo? (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowlada Itoobiya oo Heshiis milatari la saxiixatay Ruushka xili xaalad adag wajaheyso

Cabdi Cade
Taboola Ads ---