War saxaafadeed si wadajir ah goordhaw usoo saareen Wakiilada beesha caalamka ee Soomaaliya ayaa looga hadlay rabshadihii jimcihii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho iyo muranka wali ka taagan doorashada.
Qoraalka kasoo baxay beesha caalamka ayaa lagu sheegay in ay ka walaacsan yihiin dhacdooyinkii rabshadaha watay ee ka dhacay Muqdisho 19kii Febraayo. Waxaan ugu baaqeynaa dhamaan dhinacyada inay is-dejiyaan oo ay is xakameeyaan si loogu oggolaado wadahadalka siyaasadeed inuu horay usii socdo.
Halkan ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Beesha Caalamka
Baaq Ku Aaddan Sii Socoshada Dadaallada Lagu Gaarayo Heshiis ay DFS-DGXF Ka Gaaraan Hirgelinta Doorashada
Muqdisho, 23 Febraayo 2021 – Saaxiibbada Soomaaliya ee beesha caalamka* waxay ugu baaqayaan dhamaan saxiixayaasha heshiiskii 17kii Sebtember inay si deg-deg ah isugu yimaadaan si loo dhamaystiro hirgelinta hannaanka doorashada, iyadoo laga amba-qaadayo howshii ay qabteen Guddiga Farsamada ee ku kulmay magaalada Baydhabo 15-16 Febraayo.
Saaxiibada caalamku waxay ka walaacsan yihiin dhacdooyinkii rabshadaha watay ee ka dhacay Muqdisho 19kii Febraayo. Waxaan ugu baaqeynaa dhamaan dhinacyada inay is-dejiyaan oo ay is xakameeyaan si loogu oggolaado wadahadalka siyaasadeed inuu horay usii socdo.
Hadda waxaa si kasii dhakhso badan sidii hore loogu baahanyahay in madaxda siyaasadeed ee Soomaaliya ay danta qaranka ka dhigaan tan koowaad, ayna ka wada shaqeeyaan sidii loo qaban lahaa doorashooyin leh taageero ballaaran oo ku qabsooma sida ugu dhakhsiyaha badan ee suurtagalka ah, si dalka horay loogusii dhaqaajiyo. Saaxiibada caalamku waxay si firfircoon uga taageerayaan dadka Soomaaliyeed sidii ay ku gaari lahaayeen natiijadaas.
* Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Norway, Qadar, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, ee Qaramada Midoobay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com