Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ninkii ka dambeeyey qaraxii ka dhacay degmada Xamar-weye oo gacanta lagu dhigay

Guddoomiye Ku-xigeenka dhinaca amniga iyo Siyaasada Maamulka gobolka Banaadir Cali Yare Cali ayaa faahfaahin ka bixiyey qarax ka dhacay meel ku dhow Saldhiga Booliska degmada Xamar-weyne.

Cali Yare Cali ayaa sheegay in Nin watay jaakad waxyaabaha Qarxa ku xirneyd ay markii hore shacabka ka shakiyeen, isla markaana uu tuuray Jaakada Qaraxday xili ay ceyrsanayeen ciidamada amaanka oo lagu wargeliyey.

Jaakada la tuuray ayuu sheegay Guddoomiye ku-xigeenka inay ku qaraxday meel cidlo ah oo ku dhow Saldhiga Booliska degmada Xamar-weyne.

Cali Yare ayaa sheegay in qaraxa uu ku dhaawacmay sarkaal ka tirsan Booliska, isla markaana uusan jirin khasaare kale oo ka dhashay, isagoo xusay in gacanta lagu dhigay qof laga shakisan yahay inuu watay qaraxaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/A9QUI6pzZHE

Related posts

Haweeney Minyaro ah oo Qoor-sagaaro ku dishay Bahweyntii lala qabay !

Cabdi Cade

Taliyaha ATMIS oo booqday askar lagu soo dhaawacay Weerarkii Buulamareer (Sawirro)

Cabdi Cade

Baarlamanka Jubbaland oo ansixiyey dalab ka yimid Axmed Madoobe

Caydiid Ali
Taboola Ads ---