Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Jubbaland & Puntland oo mar kale ka hor yimid baaqii shalay ka soo baxay Villa Somalia

Wasiirka Warfaafinta Jubbaland Cabdi Xusseen Maxamed ayaa sheegay in Magaalada Muqdisho xiligan aysan aheyn magaalo amnigeeda leysku laheyn karo kaddib dhacdadii 19-kii bishan Febraayo lagu rasaaseeyey dibed baxyadii mucaaradka.

Wuxuu sheegay in Muqdisho ay xiligan tahay meel leysku maquuninayo oo sharcigu hooseeyo.

”Marka la eego wixii toddobaadkii hore ka dhacay Muqdisho, meel leysku haleyn karo oo amnaankeedu sugan yahay ma’aha, Jubbaland shirkaa waxey ka qeybgaleysaa marka madaxda dowladdu raali-galin ka bixiyaan wixii dhacay 19kii Febraayo, kadibna leysku raaco goob Amni ah oo leysku haleyn karo sida xarunta Xalane” ayuu yiri Wasiirka.

Sidoo kale warar aan si rasmi ah loo xaqiijin ayaa sheegaya in Puntland ay diiday in shirka wada tashiga lagu qabto Muqdisho sababo la xiriira dhinaca amaanka awgeed, ayna door bideyso in lagu qabto xarunta Xalane ama midka mid ah dalalka deriska sida Jabuuti.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa shalay mar kale ugu baaqday madaxda dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland inay ka soo qeybgalaan shirka Muqdisho ee looga hadlayo dhameystirka go’aamadii ka soo baxay shirkii Baydhabo ee la xiriiray khilaafka ka taagan doorashada iyo qodobadii la isku hayey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/A9QUI6pzZHE

Related posts

Xasan Jaamici iyo Saraakiil la socota oo gaaray degmada Baxdo (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Midowga Afrika oo War kasoo saaray Weerarka Isra’il ku qaaday Masjidka Al Aqsa

Cabdi Cade

Amiirka Qatar oo loo Oggolaaday in uu iibsado Kooxda Manchester United iyo Lacagta …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---