Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

(Akhriso Magacyada) Madaxweyne Deni oo wareegto ku Magacaabay taliyeyaal ciidan

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xeer Madaxweyne Lr. 05, ku magacaabay Taliye Qaybeedyadda Gobollada Sanaag iyo Karkaar.

Madaxweynaha

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad

Markuu arkay: Talo soo jeedinta Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda Ciidanimo

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo dar-dargelinta hawlaha Amniga ee gobolada Sanaag iyo Karkaar

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa G/sare Cabdikariin Maxamed Cabdulle loo Magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Sanaag.
  2. Waxaa G/sare Faarax Nuur Maxamed loo Magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Karkaar.

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

DHAMMAAD

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/A9QUI6pzZHE

Related posts

Somalia oo lagu wareejinayo dayuurada casriga ah ee Bayraktar Akıncı

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay Shirkii Golaha Wadatashiga ee xalay dhacay iyo qodobadii…

Cabdi Cade

Ciidamada dowlada oo sheegay iney 150 dagaalyahan ku dileen degaanka Ceel hareri

Caydiid Ali
Taboola Ads ---