Wasaaradda Caafimaadka Somalia ayaa sheegtay in 24kii saacadood ee la soo dhaafay laga helay cudurka Coronavirus dad gaaraya 128 qof dalka oo dhan
“Maanta sabti ah waxaa cudurka laga helay dad cusub oo tiradoodu gaareyso 229 qof kuwaasoo 137 ka mid ah yihiin rag, halka 92 kalena ay yihiin dumar, waxayna tirada guud ee dadka cudurka laga helay Somalia oo dhan ka dhigeysa 6, 246 qof inta laga warqabo” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaarada Caafimaadka.
Waxaa sidoo kale qoraalka lagu sheegay in 117 ka mid ah dadka maanta laga helay cudurka ay joogaan Muqdisho, halka Puntland laga helay 63 Jubbaland 1, Somaliland 46, Koonfur galbeed 1.
Wasaarada waxay intaas ku dartay in dad gaaraya 6 qof ay 24kii saac ee la soo dhaafay u dhinteen cudurka kuwaasoo dhamaantood ku sugnaa Muqdisho.
Wasaarada Caafimaadka Xukuumada Somalia ayaa horey u sheegtay in kiisaska cudurka ee laga helayo dalka ay sare u sii kaceyso maalinba maalinta ka dambeysa, loona baahan yahay shacabka iney ku dhaqmaan talooyinka ka hortaga ah si yareeyo faafida cudurkan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com