Allbanaadir.com
NEWS

Wakiilo katirsan Beesha Caalamka oo gaaray Garawe lana kulmay Siciid Deni (Sawirro)

Waxaa maanta magaalada Garawe gaaray Wakiilo katirsan beesha Caalamka uu hogaaminayay Ergayga Midowga Europe ee Soomaaliya Nicolás Berlanga Martínez , waxaana wafdiga qeyb ka ahaa Safriida Taliyaaniga iyo Sweden u jooga Soomaaliya.
 
Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ku qaabilay Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe, wafdiga uu hogaaminayay Nicolás Berlanga oo safar aan horey loo shaacin ku tagay Garawe.
 
Kulanka Madaxtooyada Garawe ku yeesheen Madaxweynaha Puntland iyo wakiilada ka socday beesha caalamka ayaa intiisa badan looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan khilaafka ka taagan doorashada.
 
Nicolás Berlanga iyo xubnaha la socday ayaa Madaxweynaha Puntland kala hadlay sidii xal loogu heli lahaa khilaafka ka taagan doorashada Soomaaliya iyo sidii Puntland qeyb uga noqon laheyd xal u helida ismari waaga siyaasadeed ee taagan.
 
Wakiiladan maanta gaaray magaalada Garawe ayaana gaarsiiyay Madaxweyne Deni fariin ay uga sideen Wakiilada kale ee ku sugan Xarunta Xalane, waxa ayna ugu baaqeen Deni in uu aqbalo ka qeyb galka shirka uu iclaamiyay Farmaajo.
 
Madaxweynaha Puntland oo xalay Garawe ka hadlay ayaa shuruudo ku xiray ka qeyb galka shirka looga hadlayo arimaha doorashada uu iclaamiyay Farmaajo, waxa uuna Deni eedeyn xoogan u jeediyay Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Farmaajo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Rag lagu eedeeyay in ay basaas u ahaayeen Israa’iil oo xukun dal dalaad ah lagu fuliyay

Cabdi Cade

DF iyo ganacsatada Muqdisho oo Malaayiin Dolar ugu deeqay gurmadka dabkii Hargeysa

Caydiid Ali

Dowladda oo Shaacisay in 50-Dagaalyahan ay ku jiraan Saraakiil lagu dilay Deegaanka Afcad

Cabdi Cade
Taboola Ads ---