Allbanaadir.com
NEWS

Farmaajo oo ugu Baaqay Puntlnad iyo Jubbaland in ay kasoo qeyb galaan Shirka Muqdisho

War Saxaafadeed goordhaw kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa loogu baaqay Madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntland in ay kasoo qeyb galaan shirka Wadatashiga ee gogoshiisa taalo magaalada Muqdisho.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaana ugu baaqday Siciid Deni iyo Axmed Madoobe in ay kusoo biiraan shirka wadatashiga ah ee lagu dhammeystirayo talo soojeedintii ay isla meel dhigeen Guddigii Farsamada ee ku kulmay Baydhabo 15-16 Febraayo 2021.
Baaqan mar kale kasoo yeeray Farmaajo ayaa kusoo aadaya xili shuruudo adag ku xireen Madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland in ay kasoo qeyb galaan shirka wadatashiga uu iclaamiyay Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday.
 
Halkan ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Villa Soomaaliya
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale ugu yeeraysaa Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubaland in ay ku soo biiraan shirka wadatashiga ah ee lagu dhammeystirayo talo soojeedintii ay isla meel dhigeen Guddigii Farsamada ee ku kulmay Baydhabo 15-16 Febraayo 2021.
 
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyada oo ka duuleysa baahida loo qabo in dalka doorasho loo jiheeyo waxay xal u aragtaa in dhammaan Dowlad Goboleedyada ay ka qeyb qaataan dhameystirka geeddi socodka doorashooyinka dalka, loogana gudbo marxaladdan hadda lagu jiro wada hadal, isqancin iyo in loo tanaasulo danta guud.
 
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in dalka loo jiheeyo doorasho, lagana mira dhaliyo heshiiskii 17kii Sebteembar 2020 ay Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ku gaareen magaalada Muqdisho iyo habraacyadii lagu dhammeystiray fulinta heshiiskaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xiliga la qabanayo doorashada Kursigii Xildhibaanimo ee uu waayay Sambaloolshe oo la shaaciyey

Caydiid Ali

Diyaarado maanta warqado ku daadiyay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Xildhibaanad goor dhow lagu dilay Magaalada Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---