Allbanaadir.com
NEWS

Fanaanad kale oo maanta Cudurka Covid-19 ugu geeriyootay magaalada Muqdisho

Ilaah ha u naxariistee waxaa maanta Isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho cudurka safmarka ah ee Covid-19 ugu geeriyootay fanaanada Qaran Saafi Cabdi Xaashi (Saafi Dheer) oo katirsaneyd hoobalada Waabari.

Fanaanada ayaa la sheegay in maalmihii lasoo dhaafay hayay cudurka Covid-19 maantana ugu geeriyootay isbitaalka Martiini, waxaana geerida fanaanadan aad uga naxay Fanaaniin badan oo Soomaaliyeed.

Masuuliyiin katirsan dowlada Soomaaliya, Fanaaniin iyo abwaano ayaana ka tacsiyadeeyay geerida fanaanada Qaran Saafi Dheer, waxa ayna ilaah uga baryeen in janadii fardowsa ka waraabiyo .

Cudurka Covid-19 oo kusii faafaya magaalada Muqdisho ayaana ka dhigaya fanaanadii labaad oo 24-saac gudahood cudurkan ugu geeriyoota isdbitaalka Martiini, waxaana shalay cudurkan u geeriyootay hoobalada Faaduma Nakruuma.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sargaal la dhashay Sheekh Kaba kudukade oo loo magacaabay Taliyaha saldhiga Kaaraan

Cabdi Cade

DEG DEG: Farmaajo oo saxiixay metelaada gobolka Banaadir ee Aqalka sare

Caydiid Ali

Xaaska Hoggaamiyihii Kooxda Daacishta Soomaaliya oo Xukun lagu riday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---