War qoraal ah oo kasoo baxay dowlada Turkiga ayaa looga hadlay xiisada siyaasadeed ee Soomaaliya gaar ahaan khilaafka sii xoogeesanaya ee ka taagan doorashada la filayo in dalka ka dhacdo.
Dowlada Turkiga qoraalka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in ay welwelsan tahay muranka ka taagan Doorashada, waxa ayna ay ugu baaqday dhinacyada is khilaafsan in ay ku dedaalaan xasiloonida & qabsoomidda nidaamka doorasho ee horey loogu heshiiyay.
“Waa Muhiim in laga wada qaybgalo xal ka gaarista muranka salka ku haya Doorashooyinka, dhammaan Saamileyda Siyaasadda waa in laga fogaadaa rabsho, isla markaana waa in wadajir xal looga gaarayaa heshiiska dhacay 17-ka September 2020” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowlada Turkiga.
Dowlada Turkiga ayaana rajo wanaagsan ka muujisay in saamileyda siyaasada Soomaaliya sameyn doonaan isku tanaasul si ay go’aan uga gaaraan mustaqbalkooda dambe kana shaqeeyaan in dalka doorasho ka dhacdo.
Baaqan kasoo yeeray dowlada Turkiga ayaa kusoo aadaya xili uu sii xoogeesanayo khilaafka ka taagan doorashada gaar ahaan midka u dhaxeeya dowlada waqtigeead dhamaaday, maamulada qaar iyo siyaasiyiinta mucaaradka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com